Waxaa saakay dil toogasho ah lagu fuliyay Xasan Xanafi Xaaji C/salaam oo horey loogu xukumay dil toogasho kadib markii lagu helay in uu ka dambeeyay dilalka qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho.
Xarunta Iskuul Bolisiya oo toogashada ay ka dhacday waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlada soomaliya,saraakiil ciidan, iyo qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho.
Xasan Xanafi Xaaji C/salaam oo al-shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta ayaa dhawaan laga soo qabtay dalka Kenya waxaa lagu cadeeyay in uu ka dambeeyay shirqoolka qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho. sida Sheekh Nuur Maxmed Abkey, Tifaftirahii Wakaaladda SONNA, Saciid Tahliil Warsame Agaasimihii Horn afrik, Mukhtaar Maxamed Hiraabe Agaasimihii Idaacadda Shabeelle iyo kuwa kale.



