Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa la xaqiijiyay in uu ciyaari karo kulanka u dhaxeeya Real Madrid iyo Wolfsburg Lugta Labaad ee Champions League.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France ayaa dhaawan dhaawac loogu saaray kulankii ay guuldaro kala kulmeen kooxda daka Germany ee Wolfsburg. Isagoona sidoo kale seegay kulankii ay shalay ka guuleysteen kooxda Real Betis.
Sidoo kale kooxda Real Madrid ayaa dib u halaysa daafaca reer France ee Raphael Varane oo todobaadyadii ugu dambeeyay kooxda dhaawac kaga maqnaa.

