Xidiga kooxda Manchester United Anthony Martial ayaa xaqiijiyay in uu aad u jecel yahay ka garab ciyaarista weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic.
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Sweden ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinaayay kooxda Manchester United iyo usoo dhaqaaqista Horyaalka dalka Ingiriiska arsenal ayaa sidoo kale qeyb ka ah kooxaha lala xiriirinaayo
Da’yarka reer France oo warbaahinta dalka Ingiriiska la hadlay ayaa tilmaamay in uu mar walba ku riyoodo ka garab ciyaarista xidigii Hore ee kooxaha Inter Milan, ac Milan iyo Barcelona Zlatan Ibrahimovic.

