Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in afar arday oo wax ka baranayey jaamacadda moi ee dalka Kenya kuwaasi oo in mudaa la weysanaa in ay ku biireen xarakada Al-shabaab ee soomaaliya ka dagaalanta.
Waalidiintaan arday ayaa dowlada ka codsaday in ay baaritaan qoto dheer ay ku sameeyaan afartaan arday oo muda dheer maqnaa.
Ugu dambeen baaritaan ay sameysay dowlada Kenya ayaa lagu yiri in waalidiinta ardaydaasi ay ka maqnaayeen in ay u sheegayaan in afartaasi ay arday ay ka mid noqdeen Al-shabaab ka soomaaliya.
Tan iyo bartimahii 8 bishii November ee sanadkii 2015-kii ayaa tiradii ugu badneed oo ardayda dalka Kenya waxkabarata ah ay ku biireen Xarakada Al-shabaab.
Dowlada Kenya ayaa horay Al-shabaab ugu eedeeysay in ay qortaan ardayda wax ka barata iskuulada , jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada oo dhan ee dalka Kenya.
SOURCE: THE STAR.

