Dowlada Britain ayaa lacag gaareysa hal million oo pound ugu deeqday ciidamada amaanka ee dowlada Ethiopia .
Lacagtaan ayaa dowlada ingiriiska ay sheegtay in wax looga qabanaayo xasilinta soomaaliya iyo sidii ciidamada Ethiopia ee ka qeybta ah howl galka amisom loogu sameeyo niyad dhis.
Wasaarada arrimaha dibada ee dalka ingiriiska ayaa laga soo xigtay in qarash dhan £546,500 in loogu talagalay tababarada dhanka ciidanka ee dowlada Ethiopia.
Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in lacagahaan ay wax badani ka tari doonto dhanka amaanka soomaaliya maadaama ciidamada Ethiopia ay ku howl lanyihiin xasilinta dalka soomaaliya.
Dowlada Ethiopia ayaa waxaa ay qeyb ka tahay howl galka nabad ilaalinta ee amisom ee ka socda soomaaliya kaasi oo ay k qeyb qadanayaan 22000 oo askari.
SOURCE: THE DAILY MAIL.

