Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyo ay al-shabaab ka wadaan deegaano hoos yimaada Galmudug.
Ciise Nuur Taardhuleed waxa uu tilmaamay in ciidamada maamulka Galmudug ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka hortagaan abaabulka ay wadaan al-shabaab-ka ku sugan deeganada maamulka Galmudug.
Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur “Taardhuleed” waxa uu sheegay in ay hoos u dhacday awoodii al-shabaab kadib markii dhawaan ay dagaal la galeen ciidamada maamulka Galmudug. Haatana ay isku aruursanayaan deegaano ka Tirsan Galmudug.
Dhanka kale Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo iskugu jira Boolis,Nabad Sugid iyo Daraawiish ayaa maanta baaritaano Amni Xaqiijin ah waxa ay ka wadaaan Degmada Cadaado ee Xarunta KMG u ah dowlada Goboleedka Galmudug.
Hadalka wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur “Taardhuleed” ayaa kusoo beegmaya xili dhaqdhaqaayo ciidan laga dareemayo deegaanada ay gacanta ku hayaan al-shabaab ee isla Gobolka Mudug.

