Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas waxaa safarkiisa ku weheliyay Wasiiro, Xildhibano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland waxayna muqdisho ugu qeyb gali doonaan kulamo loogu hadlaayo hanaanka doorashooyinka dalka.
“aniga iyo wafdigayga waxaa Muqdisho kaga qeyb gali doonaan kulamo loogu hadlaayo doorashooyinka sanadkaan 2016-ka dalka ka dhacaya ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas xili uu warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe.
Maamulka Puntland ayaa dhawaan qaatay Hanaanka 4.5 in lagu saleeyo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka kadib kulamo maalmo ka socday Magaalada Garoowe ee caasimada Gobolka Nugaal.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyna Dawladda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale ku guulaystay hogaaminta dalka FDjibouti.
” Doorashada dalka Djibouti waa hambalyaynaynaa, waxaana rajaynaynaa in Madaxweyne Ismaciil oo runtii shaqo fiican ka qabtay dalkaasi, anigu waa xasuustaa markii u horraysay oo aan Djibouti tagay sanadkii 1999 meeshii ay joogtay iyo meesha hadda ay joogtonis beddelka u dhexeeya waa fahmi karaa waa hambalyaynayaa waana bogaadinayaa” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa magaalada muqdisho ku sugnaan doona muddo saddex maalmood ah , wuxuuna ka dib shirka dib ugu soo laban doonaa Caasimadda Puntland ee Garoowe

