Ugu yaraan 6 ruux oo askar ay ku jirto ayaa geeriyootay 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay maqaayad lagu magacaabo rajo uu ku taala Xaafadda Beexaani ee degmada Shibis.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Xaafadda Beexaani ee degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho. ayaa loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane C/fataax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ee xaafada beexaani ee degmada Shibis.
Mr. Xalane, ayaa wuxuu qaraxan uu ku eedeeyay Al Shabaab oo weeraro joogto ah ka gaysta Magaalada Muqdisho. Xalane wuxuu sheegay inay Shabaabku u soo qalab qaateen dhibaataynta shacbiga Somaliyeed.
Maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ee Soomaliya waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal loo geysanayay mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya, iyo dowlada xirii la leh.










