Faah-faahin ku Saabsan Qaraxa ka Dhacay Xaafadda Beexaani Degmada Shibis+Sawirro

0

Ugu yaraan 6 ruux  oo askar ay ku jirto ayaa geeriyootay 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii  gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay maqaayad lagu magacaabo rajo uu ku taala Xaafadda Beexaani ee degmada Shibis.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Xaafadda Beexaani ee degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho. ayaa loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane C/fataax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ee xaafada beexaani ee degmada Shibis.

Mr. Xalane, ayaa wuxuu qaraxan uu ku eedeeyay  Al Shabaab oo weeraro joogto ah ka gaysta Magaalada Muqdisho. Xalane wuxuu sheegay inay Shabaabku u soo qalab qaateen dhibaataynta shacbiga Somaliyeed.

Maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ee Soomaliya  waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal loo geysanayay mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya, iyo dowlada xirii la leh.

146021047169757 146021047066cb1 14602104750743a 146021046594a83 146021046382f3f 1460210472cf4dd 1460210466fa4e4 1460210462ef95b 1460210464ed9e6

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here