Al-shabaab oo Dib ula Wareegay Degmada  Adaan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka naga soo gaaraya degmada  aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada al-shabaab ay dib ula wareegeen degmadaas.

Maanta barqadii ayay boqolaal katirsan ciidamada Al Shabaab gudaha u galeen Aadan Yabaal oo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom oo ka yimid dhanka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay idaacada simba ee Magalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada Al-shabaab ay dib  u qabsadeen degmada isla markaana ciidanka dowlada iyo kuwa Ethopia ay iskaaga baxeyn.

Ma uusan shaacin sababaha keenay in ciidamada Ethopia iyo kuwa dowlada Soomaliya  ay isaga baxaan degmada  adaan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo maalmo ka hor ay kala wareegeen ciidamada al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here