Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay ciidamo ka Tirsan al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada amisom ku lahaayeen deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabelaha Dhexe,
Weerarkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ciidamada Xarakada Shabaabka waxa ay la eegteen halka loo yaqaan Carakaawada oo ka tirsan Deegaanka Ceelbaraf, halkaasi oo Saldhig Millateri oo weyn ay ku leeyihiin Ciidamada Midowga afrika ee Amisom.
Dhanka kale Ilaa hada lama ogo qasaaraha soo kala gaaray al-shabaab iyo ciidamada Midowga afrika ee Amisom ee saldhiga ku lahaa Carakaawada oo ka tirsan Deegaanka Ceelbaraf iyo qasaaraha soo gaaray dadkii ku sugnaa deegaanka lagu dagaalamay.
Al-shabaab ayaa bil ka hor laga saaray deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

