Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Maraakiib dagaal oo ay ka dul kacayaan Diyaarado Helicopter ah.
Maraakiibtaan oo ah kuwa waaweyn ee dagaalka ayaa la tilmaamayaa inay leeyihiin ciidamada Badda NATO, oo halkaasi ka wada dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Xeebta Garacad ee Gobolka Mudug.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xeebta deegaanka Gobolka Mudug in ay dhaqdhaqaayo ciidan ay ka wadaan ciidamo ka tirsan al-shabaab oo dhawaan weerar ku qaaday xeebaha deeganada Gobolka Mudug.
Dhawaan deegaanada Gobolka Mudug waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay al-shabaab iyo ciidamada Puntland deegaanka Garacad ayaa ahaa halkii markii hore ay qabsadeen shabaabkii laga saaray deeganada xeebaha.
