Waxaaa saakay xukun dil ah Lagu fuliyay ragii ka dambeeyay dilkii wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka Tirsaneed warbaahinta dowlada soomaliya oo dhawaan Magaalada Muqdisho lagu dilay.
Xarunta Iskuul Booloosiya ayuu ka dhacay xukunka dilka ah waxaana ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya kuwaasi oo goob-joog u noqday xukunka lagu fuliyay ragii ka dambeeyay dilkii wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ku geeriyootay qarax gaarigeeda loogu xiray xili ay kasoo baxday mid kamid ah Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo warbaahinta la hadlay xukunka kadib ayaa sheegay in Maxkamada Ciidamada qalbka sida ay mar walba sidaan u fulin doonto xukunada dilka ah.
Dhawaan ayay aheyd markii Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay xukuno kala duwan ay ku ridey ragaan kala ah;-
1: C/risaaq Maxamed Baroow Cadoow 28 jir ah oo qirtay inuu gaarigii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed ku xiray Waxyaabaha Qarxa, maxkamadana waxa ay ku xukuntay dhawaan dil toogasho ah.
2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah oo lagu xukumay Xabsi Daa’in.
3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir ah oo lagu xukumay Xabsi Daa’in..
4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah oo lagu xukumay Xabsi Daa’in..
5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah oo lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi ciidan ah.
6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Rooble oo lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ciidan ah.







