Kadib markii shacabka jamhuuriyada Jabuuti ay subaxnimadii shalay u dareereen goobaha cod bixinta ayaa galinkii dambe ee xalay waxay Guddiga doorashooyinka Jubuuti ay ku dhawaaqeen natiijadii ugu dambeysay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada doorashada madaxtinimada dalka Jabuuti kadib markii lasoo gebagebeeyey tirinta codadka waqti dambe oo xalay ah.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan ah Madaxweynaha dalka Jubuuti ayaa ku guuleystay doorashada Madaxtinimo ee dalka Jaubuuti kadib markii uu helay 68% halka musharixii kusoo xigay ee xisbiga USN Cumar Cilmi Kheyre isagana uu helay 32%.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalka Jabuuti maamulayay Mudo 17-sano ah.

