Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti iyo wafti u hogaaminayo ayaa dalka Baxrayn uga qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiiradda Maaliyadda ee Jaamacada Carabta, Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay shanta haya’adood ee dhaqaallaha ee hoostagta Jaamacadda Carabta. Waxaana isugu yimaada dhammaan Wasiiradda Maaliyadda & Gudoomiyeyaasha Bangiyada Dhaxe.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa shirkaan hor dhigay warbixin ka hadlaysa guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya meesha uu marayo, caqabadaha jira iyo sida ugu habboon oo looga bixi karo. Sidoo kale Wasiirka ayaa soo jeediyey talooyin ku wajahan dowrka wadamada Carabta ee ku aaddan sida Soomaaliya u gacan siin lahaayeen dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
Sidoo kale intii kulanku socday ayaa Wasiirka Maaliyada Soomaaliya wuxuu kulamo gooni-gooni ah la yeeshey dhamaan hey’adaha Maaliyadda Carabta ee ka soo qayb galay shirkaan iyo Wasiiradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Kuwait waxayna ka wada hadleen xiriirka dhaqaalle ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa maalgashi dhax mara labada wadan.
Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay gudomiyaha sanduuqa Sacuudiga iyo kan lacagta carabta, waxayna aad ooga wada hadleen sidii Soomaaliya looga kaalmeen lahaa dhanka dhaqaallaha, Maalgashiga iyo Sidii looga cafin lahaa deynta ku raagtay.
Ugu danbeentii shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa gaba gabadii kulanka waxaa aad loogu soo dhaweeyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ay ka samaysay dhanka maamul wanaaga maaliyadda, iyo isla xisaabtanka, taas oo dhiiri galin karta in dalku helo kaalmooyin wax ku ool ah.





