Dawlada Talyaaniga ayaa sheegtay in ciidamadeeda badda ay badbaadsheen illaa iyo 300 oo ruux oo tahriibayaal ah oo Soomaalina ay ku jiraan kuwaasoo doonayay tahriib ku galaan dalka Talyaaniga.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda Talyaaniga waxaa uu sheegay in ciidamadooda ay arkeen tahriibayaashaan oo saarnaa doon yar kadibna ay qaadeen oo ay geeyeen xero ku taala magaalada Sicily ee Talyaaniga ku taala.
Afhayeenkaan ciidamadda badda Talyaaniga u hadlay waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee doonta saarnaa oo Soomaali ah ay ka tageen dalka Masar waxaana uu intaa ku daray in qaarkood ay xanuunsanyihiin.
Koow iyo konton ka mid ah dadkaas waa dumar.
Wadamo kale oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Eritrea Libya iyo Falastiin ayay u dhasheen tahriibayaasha kale ee doonta Soomaalida la saarnaa sida Talyaaniga laga soo xigtay.
Xeebaha dalka Masar waxay ka mid yihiin meelaha ay ka baxaan tahriibayaasha haminaya inay Yurub tagaan si ay u helaan nolol ka duwan tan ay ku haystaan wadamadooda

