Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay bixineyso Mushaaraadka Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ka howlgala deegaanada Maamulkaasi.
Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo kula kulmay Magaalada Kismaayo masuuliyiinta Maamulka Jubbaland gaar ahaan Madaxweynaha iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi ayaa waxaa uu sheegay in Jubbaland ay ka gacansiinayaan bixinta Mushaaraadka Ciidamada Maamulka.
Kulanka oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa looga hadlay sidoo kale arimo farabadan oo ku saabsan sidii markaasi loo tayeyn lahaa Ciidanka Jubbaland.
Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha inta badan Taageera dowlada dhexe ee soomaliya iyo dowlada Goboleedyada dalka ka Jira.

