Cabdi Kaamil Macalin Shukri:- Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Gaarigii Caawa Hoobiyaasha Laga Tuuray

0

Ciidamada Booliska dowlada soomaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay Gaari nooca Dadweynaha  raacaan ee loo yaqaano Mini Bus oo uu saarnaa Qariga Hoobiyaha  Loo Adeegsado Madaafiic.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kaamil Macalin Shukri ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada booliska oo heegan ugu jiray Sugidda Ammaanka Magaalada muqdisho ay dabagaleen  rag ka tirsan Al-shabab oo Hoobiyaal ka tuurayay Gudaha Magaalada Muqdisho.

Cabdi Kaamil Macalin Shukri afhayeenka wasaarada amniga ayaa tilmaamay in Ciidamada ay iska caabin kala kulmeen ragii gaariga hoobiyaha laga tuuray watay waxayna ugu dambeyn ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ragii iyo qorigii hoobiyaha.

Inta la xaqiijiyay 2 Qof oo dad rayid ah ayaa geeriyootay 10 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaartay kadib markii Madaafiic ay ku dhaceen Xaafado katirsan Degmada Xamar Jabjab ee Gobalka Banaadir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here