Dhageeyso:- Siyaasi ku Sugan mareeykanka oo Soo Dhoweeyay Heshiiskii Dowlada Dhexe iyo Puntland.

0

Proff Maxamed Cabdi Manjino oo Ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Muddo Dheer ku Sugan Dalka Mareeykanka oo Caawa La hadlay Radio Simba ayaa Soo Dhoweeyay heshiiskii Dhowaan Magaalada Garoowe ku Dhexmaray Dowlada Somalia iyo Puntland.

Proff Manjino Ayaa Dhanka kale waxa uu isku soo Taagay kamid noqoshada Baarlamaanka Soo Socdo Ee Somalia isga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in uu Kamid noqon doono Baarlamaanka Soo Socdo.

Proff Manjino Ayaa sheegay in uu Xiriir Wanaagsan la Leeyahay Siyaasiinta Mareeykanka waxaana uu sheegay in ay kala shaqeeyn Doonaan Arimaha Wadanka Somalia.

Proff Manjino Ayaa Bulshada Soomaaliyeed u balan qaaday in la imaan doono Waxqabad Wanaagsan Dalkana uu hormar gaarsiin doono.

Hoos ka dhageeyso wareeysiga Proff-ka  Waxaa wareeystay Wariye Cowke.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here