Roobab daadad Wata oo ka da’ay Gobolka Awdal.

0

Wararka aan ka helayno deegaanno hoostaga Gobolka Awdal ayaa kusoo waramaya in Xalay ilaa saaka ay ka da’ayeen deegaanadaasi roobab daadad wata oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa wararku ay kusoo waramayaan in ilaa iyo 10 ruux oo isugu jira dad waaweyn iyo waliba Caruur,waxaana geerida dadkaan ay timid  kadib markii ay roobab xooggan oo daadad wata ay ka da’een deegaanka la yiraahdo Dilla oo ka mid ah deegaanada hoos-taga Gobolka Awdal ee Soomaaliland.

Waxaa ay saameeyeen biyaha ka dhashay daadadka roobka goobo maqaaxiyo iyo Waliba Hotello ah oo ku yaalla deegaanka uu roobku ka da’ay ee Dilla la yiraahdo.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa Maxamuud Cali Saleebaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan gurmad dhinacyo badan ah oo lagu samatabixinaayo dadkii ay waxyeeladu soo gaadhay.

Waxaa uu intaa ku daray in dadka dhintay ay ku jiraan caruur aad u da’yar oo ay biyuhu ka qaadeen guryahooda islamarkaana qaarkood wali la’yahay,

Deegaanka Dilla ee gobolka Awdal ayaa ka mid ah deegaanno dhawr ah oo ay ka jirtay abaaro xooggan oo saameyn ku yeeshay deegaanada Gobolada Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here