Maamulka Gobolka Banaadir oo amar kasoo saaray gaadiidka Taariko La’aanta ah.

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arimaha la xariira amni darada Maalmihii dambe ka jiray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya .
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in ay amni darada Magaalada Masuul ay ka yihiin sida uu yiri gaadiidka aan Taarikada lahayn dadka wata oo uu sheegay in ay yihiin dad is qarinaya islamarkaana u bareeray in magaalada ammaankeeda qalqaliyaan,
Laga bilaabo Maantoo Khamiis ah ayuu sheegay in ay ciidama ammaanku ay xaq u leeyihiin in ay joojiyaan gacantana ay ku dhigaan gaadiidka aan Taarikada lahayn,ciddii ka biya diiddana tallaabo laga qaado.
Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay dadka gaadiidkoodu aysan Taarikada lahayn in ay ka waantoobaan arinkaan oo qeyb ka ah amni darada Magaalada Muqdisho ka jirta,loogana baahanyahay in ay markaasi u hogaansamaan amarkan uu soo saaray Maamulku.
Guddoomiyaha Mamaulka Gobolka Banadir Waxaa uu sheegay in ammarkan uu si isku mid ah uu saameynaayo Madaxda dowladda iyo Waliba shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho,islamrkaana muhiimadda ammarkaan uu yahay mid ay uga gol leeyihiin xaqiijinta ammaanka Caasimadda Muqdisho.
Muddo sadax Maalin ah ayuu sheegay in ay dadku fursad u haystaan in ay gaadiidkooda Sumadda Taarikada U yeelaan kadibna uu bilaabandoono howlgal lagu fulinaayo ammarka uu soo saaray Maamulka oo uu sheegay inuu yahay mid aan la isaga haridoonin tan iyo inta laga hirgalinaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here