Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya lagu qabtay xaflad si heer sare losoo agaasimay oo lagu dooranayay Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed.
Xilka Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed. Waxaa u tartamaayay ilaa dhowr musharax oo kala ahaa Maxamed Ibraahim Bakistaan, Cabdiraxmaan Xasan Cumar iyo Cumar Faaruuq Cismaan oo isagu goobta doorashada ay ka dheceysay ka maqnaa.
Maxamed Ibraahim Bakistaan, Xoghayihii hore ee ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj ayaa ku guuleystay xilka Cusub ee Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed. Kadib markii uu helay codod tira badan uu kaga guuleystay musharixiintii la tartamaysay.
Xaflada waxaa kasoo qeyb galay madax ka tirsan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha xukuumada soomaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka soomaliya oo dhamaan ugu hambalyeeyay bakistaan ku guuleysiga xilka cusub
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Muqtaar wuxuuna kula dar daarmay Mas’uulka la doortay inuu wax qabad rasmi ah la yimaado.
Maxamed ibraahim Bakistaan ayaa horey u ahaa Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj wuxuuna dhawaan ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

















