Maxamed ibraahim Bakistaan ooo Loo Doortay Xoghayaha Guud ee Ururka Xiriirka Shaqaalaha+Sawirro

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya lagu qabtay xaflad si heer sare losoo agaasimay oo lagu dooranayay Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed.

Xilka Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed. Waxaa u tartamaayay ilaa dhowr musharax oo kala ahaa Maxamed Ibraahim Bakistaan, Cabdiraxmaan Xasan Cumar iyo Cumar Faaruuq Cismaan oo isagu goobta doorashada ay ka dheceysay ka maqnaa.

Maxamed Ibraahim Bakistaan, Xoghayihii hore ee ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj ayaa ku guuleystay xilka Cusub ee  Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed. Kadib markii uu helay codod tira badan uu kaga guuleystay musharixiintii la tartamaysay.

Xaflada waxaa kasoo qeyb galay madax ka tirsan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha xukuumada soomaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka soomaliya oo dhamaan ugu hambalyeeyay bakistaan ku guuleysiga xilka cusub

Ugu horeyntii waxaa goobta  ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Muqtaar wuxuuna  kula dar daarmay Mas’uulka la doortay inuu wax qabad rasmi ah la yimaado.

Maxamed ibraahim Bakistaan ayaa horey u ahaa  Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj wuxuuna dhawaan ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

IMG_3165 IMG_3167 IMG_3171 IMG_3174 IMG_3177 IMG_3178 IMG_3180 IMG_3182 IMG_3185 IMG_3190 IMG_3197 IMG_3203 IMG_3207 IMG_3208 IMG_3219 IMG_3241

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here