Waxaa maalintii labaad maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya ka da’aya roobka xilliga dayrta oo dhawaan ka bilowday qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaliya
Inta Degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa Xalay Fiidkii ilaa hadda Waxaa ka da’aya roobab xooggan oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadweynaha degmooyinka gobolka Banaadir
Xarumaha Waxbarashada ayaa saaka gabi ahaanba xiran kadib Markii ardayda iyo barayaasha Xarumahaasi ay kasoo bixiwaayeen guryahooda roobka da’aya awgiii
Dhanka kale Roobka ayaa waddooyinka dhigay biyo saaida waxaana biyuhu ay fadhiisteen Waddooyinka waaweyn ee magaalada dhaxmara.
Degmooyinka qaar ayaa lagasoo sheegayaa in biyaha roobku ay galeen guryo ku yaalla magaalada waloow aan wali lasoo sheegin wax qasaara oo ay sababbeen Biyaha Roobka

