Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya Maanta waxaa lagu soo Gabagabeen doonaan shirkii loogu Hadlaayay arimaha doorashooyinka 2016-ka oo dalka ka dhacaya
Shirka oo subaxnimadii shalay ka Furmin xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb Galay madax ka Tirsan Dowlada soomaliya sida Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamud, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka Jira sida Puntland, Juba-land , Konfur Galbeed soomaliya iyo Galmudug
Shirka waxaa qudbado ka jeediyay Madaxdii ka qeyb Gashay shirka waxaana kamid ah Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud oo sheegay in shirka muhiimadiisa uu ahaa sidii loogu Hadli lahaa sidey u dhici Karto doorashada 2016-ka
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka Jira sida Puntland, Juba-land, Galmudug, iyo Koonfur galbeed soomaliya ayaa dhamaantooda sheegay in dowlada soomaliya ay gacan siin doonaan sidii loo wajihi lahaa doorashada dalka ka dhacaysa
Shirka ayaa Maanta la filayaa in lagu soo Gabagabeeyo Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya waxaa sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed laga soo Saaro oo loogu Hadlaayo waxa lagu heshiiyay










