Dowlada Soomaliya oo Sheegtay in aysan Cusboonaysiin doonin Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee (New Deal)

0

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah C/raxmaan Cali Caynte, oo BBc-da la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Somaliya aysan dib u cusboonaysiineyn Barnaamijka Hiigsiga cusub ee (New Deal) kaasi oo ku eg Bisha August ee sanadkaan 2016-ka.

Wasiir C/raxmaan Cali Caynte,  wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Xukuumada Somaliya ayaa sheegay in barnaamijka Hiigsiga cusub ee New Deal in Lagu badalay qorshaha horumarinta Qaran,kaasi  oo ay iska kaashanayaan  Dowladda Somaaliya iyo Dowlad goboleedyada dalka ka jira xiligaan.

Wuxuu Tilmaamay wasiirka qorshaynta C/raxmaan Cali Caynte  in Dowlad Goboleedyada ay Wasaaradda qorsheynta kala tashatay qorshaha horumarinta Qaranka, waxaana uu sidoo kale sheegay in Dowladdu ay ku kalsoon tahay qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaliya.

Hadalka Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah C/raxmaan Cali Caynte, ayaa kusoo beegmaya xili bisha  August ee sanadkaan 2016-ka  dalka la filayo in ay ka dhacaan doorashooyinka Madaxtinimo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here