Rag Hubeysan oo Xalay Weerar ku Qaaday Hoyga Taliyaha Hogaanka Saadka Ciidamada Millateriga Somaliya.

0

Kooxo Hubeysnaa ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen hooyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Taliyaha Hogaanka Saadka ciidamada Millateriga Somaliya. C/laahi Macalin Nuur.

Guriga Taliyaha  Hogaanka Saadka ciidamada Millateriga Somaliya. uu degan yahay ayaa ku yaala Xaafada Siigaale ee Degmada Hodan, waxaana la sheegay in rag hubaysan oo qoryo watay ay weerareen.

Israsaaseen kooban ayaa dhaxmartay ilaalada Taliyaha Hogaanka Saadka ciidamada Millateriga Somaliya. C/laahi Macalin Nuur. Iyo kooxdii hubeysneed ee weerarka soo qaaday waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay rasaasta labada dhinac ay isweedaarsadeen.

Taliyaha Hogaanka Saadka ciidamada Millateriga Somaliya. C/laahi Macalin Nuur. Wali kama uusan hadlin weerarka xalay lagu qaaday hoygiisa uu ku yaala xaafada siigaale ee degmada Hodon.

Magaalada Muqdisho maalmihii aynu dhaafnay waxaa ka dhacayay dilal iyo weeraro lala beegsanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya waxaana ugu dambeeyay weerarkii shalay lagu dhaawacay Maxamed Cali diheeye oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here