Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu booqday xarunta dhexe ee warbaahinta Puntland ay ku leedahay Caasimadda Garoowe, halkaas oo uu si toos ah shaashada Puntland Tv ugala hadlay guud ahaan shacabka Puntland iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Puntland u saxiixday heshiiskii dhowaan lagu gaaray Caasimadda Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu tilmaamay in ay masuuliyad ka saaran tahay geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin ku haboon sidii guud ahaan shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa horumar , loogana saari lahaa caqabadaha hor taagan dib u dhiska dalka dhan kastaba.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbaddiisa ku sharaxay ujeedka ay Puntland u gashay heshiiskii Garoowe, wuxuuna yiri
“ Inta aanan sharxin wuxuu xanbaarsan yahay heshiiskani, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in ay Puntland saddex arrimood mid uun doorato in ay taladu kusoo ururtay.
1- In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa
ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland. Wax maslaxad
Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana maaha, kala go’
cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo
jiritaankii Soomaaaliya.
2- In 4-ta sano ee soo socota aan ka harno geeddi socodka
doorashooyinka , masiirka Puntland-na ay la wareegaan cid aan
ehel u ahayn . Sidoo kale arrintani waxay abuuri kartay
jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo
Soomaaaliya dhexdeeda.
Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirna
waqti xasaasi ah wuxuu keeni karay in ay wiiqanto midnimada
Puntland
3- Iyo in aan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma
miisaankeeda siyaasadeed iyo doorkii ay ku lahayd hogaaaminta
Soomaaliya.
“Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay
oon isla garanay in maslaxadda Puntland iyo Soomaaliya ay ku
jirto in aan qaadano qodobka saddexaad”

