Wararka laga helayo dalka Syria ayaa ku waramaya in lagu dilay dalkaasi laba wiil oo walaalo ah kuwaasi oo u dhashay soomaaliya.
Magacyada wiilashaan walaalaha ah ayaa lagu kala sheegay cabdiraxmaan shariif oo 18 sano jir ah iyo khaliif shariif oo 21 sano jir ah.
Cabdiraxmaan shariif iyo walaalkiis khaliif shariif oo labadaba u dhashay soomaaliya ayaa sidoo kale heysta dhalashada dalka ingiriiska.
Labadaan wiil oo ka mid ahaa kooxda daacish ayaa labo sano ka hor ay waayeen waalidiintooda xiligaasi oo ay kasoo tageen magaalada Manchester ee dalka ingiriiska.
Hasa-yeeshee booliska dalka ingiriiska ayaa shaaciyey in cabdiraxmaan shariif iyo khaliif shariif oo walaalo ah ay saaxiibadood oo iyagana horay ugu biiray kooxda daacish ee dalka Syria in ay ku tashkiiliyeen kubiirida kooxdaasi xili ay baraha internetka kuwada sheekeesteen.
Geerida labadaan wiil ayaa waxaa xaqiijiyey maxamed shafiq oo ah madaxa hay-ad ka shaqeysa arrimaha isku xirka jaaliyada soomaalida ee dagan magaalada Manchester ee dalka ingiriiska.
Ka hor inta aysan wiilashaan soomaalida ah u safrin dalka Syria ayaa waxaa ay dhiganayeen jaamacadda Lancaster University ee dalka ingiriiska.
Wiilashaan ayaa waxaa ay xiriir dhaw lahaayeen gabdho soomaali ah oo katagay ingiriiska kuwaasi oo ku biiray kooxda daacish iyagana waxaana lagu kala magacaabaa Salma iyo Zahra.







