Xiriirka dalka Ingiriiska ayaa usoo xushtay garsooraha caanka ah ee Mark Clattenburg in uu dhaxdhaxaadiyo kulanka dhaxmari doona kooxaha Manchester United iyo Manchester City kulanka loogu Magac daray derby Manchester
40-jirkaan ayaa Horey dhaxdhaxaad kaga Noqday guushii kooxda Manchester United ay ka Gaartay kooxda Manchester City taaso dhacday bishii april waxayna kusoo dhamaatay 4:2 goolasha Manchester United waxaa dhaliyay xidigaha Young, Fellaini, Mata iyo Smalling city Labada Gool waxaa u dhaliyay Laacibkooda Sergio Aguero
Manchester United ayaa labo dhibic ka hooseesa kooxda ay isku Magaalada ay yihiin ee Manchester City Hadii city ay adkaato waxay ka sareyn doontaa 5dhibcood
Dhanka kale Ciyaarihii ay Todobaadkaan ciyaareen waxay Guulo ka kala Gaareen kooxda evertoon iyo Bournemouth
Wajiyo aad ugu Muhiinsan kooxda Manchester City ayaa kulankaan ka Maqnaan doona waxaa kamid ah xidigaha Sergio Aguero iyo David Silva,

