Amisom:- Waxaan Dilnay Todobo Sarkaal oo ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Taliska Amisom ee soomaliya ayaa soo bandhigay Magacayada 7 Sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab, oo taliska uu sheegay in lagu dilay weeraradii uu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Midowga Afrika ee Amisom ee soomaliya  ayaa lagu sheegay in ciidanka Amisom  ee soomaliya ay dileen 7-daasi Sarkaal oo Shabaab dhexdooda muhiim ka ahaa.

Saraakiisha ay Amisom waxa ay sheegeen in ay dileen Abdirashid Bugdube oo ka tirsanaa saraakiisha Shabaab ee Deegaanka Janaale, Aaden Baale oo Shabaab masuul uga ahaa deegaanka Leego, Sheikh Mohamed Ali oo Saraakiisha Janaale ka mid ahaa, Mohamed Abriba oo Garsoore Jannaale ka ahaa , Hassan Ali Dhore, madaxii amniyaadka Shabaab, Abu Islaam oo ahaa Yemani ku taqasusay qaraxyada iyo Sheeikh Mansur oo Kenyaan ah tababarada qaabilsanaa.

Dhanka kale ma jirto cid ka madax banaan amisom oo xaqiijinaysa in la dilay 7-sarkaal oo ka tirsanaa al-shabaab kadib dagaalo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Isbuucyadii aynu soo dhaafnay ciidamada amisom ayaa ka waday deeganada iyo degmooyinka Gobolka shabeelaha Hoose Howlgal lagula dagaalamayay al-shabaab-ka ku sugan deeganadaas waxaana ugu dambeeyay dagaalkii  ka dhacay deeganada Janaale.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here