Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubesyan ay halkaas ku rasaaseen xildhibaan ka Tirsan baarlamanka soomaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo halkaas marayay.
Wariyaheena C/raxmaan Kambala oo goobta ku sugan ayaa xaqiijiyay In xildhibaanka uu soo gaaray dhaawac daran isla markaana loola cararay mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta ay ku dhinteen sedex kamid ahaa ilaaalada xildhibaanka oo magaciisa Lagu sheegay Maxamed Cali Diheeye oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya.
Ciidamada amniga dowlada soomaliya ayaa goobta gaaray waxayna halkaas ka wadaan baaritaano lagu ogaanayo ragii ka dambeeyay falkaan lagu dhaawacay xildhibaanka ka Tirsan Baarlamanka soomaliya.
wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

