Maxkamada Dambiyada Aduunka, ee ICC ayaa maanta oo Talaado ah Go’aan ka gaari doonta kiiska loo haysto Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto. Iyo Wariye Joshua arab Sang,
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa loo heystaa dacwado la xiriira Qiyaastii 1,200 oo qof oo lagu dilay qalalaase xigay doorashooyinkii sanadkii 2007-dii lagu qabtay dalka Kenya.
William Ruto ayaa iska Fogeeyay eedaamaha loo heysto ee ku aadan in uu ku lug lahaa dilalka ,musaafurin iyo dhibaatayn dhanka qowmiyadda ah. Oo dhacay sanadkii 2007-dii kadib doorashooyinkii ka dhacay dalka Kenya.
Qareenada u doodaya Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn Ruto, kadib markii qaar ka mid ah Marqaatiyaashii la horgeeyay maxkamada ay meesha ka baxeen, qaarna ay bedeleen hadaladoodi.
Dhanka kale 2014-kii, ayey dacwad oogayaasha waxa ay meesha ka saareen eedo kuwa Ruto oo kale ah oo loo haystay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyadoo ku andacootay in loo goodiyay markhaatiyaal

