Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta xarunta wasaarada Gaashaandhiga dowlada soomaliya waxa uu kulamo kula qaatay wafdi uu Hogaaminaayay kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda ee dalka Masar u qaabilsan qaarada Afrika ayna kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalka Masar oo shalay soo gaaray Muqdisho.
Maxamed Aadan Axmed Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa kaaliyaha wasiirka arrimaha dibada dalka Masar iyo saraakiisha dalkaas waxa uu kala hadlay cilaaqaadka labada dal iyo sidii dowlada Masar gaar ahaan wasaarada Gaashaandhiga ay ugu qeyb qaadan laheyd howlaha dib u dhiska ciidamada xoogga dalka soomaliyeed.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga dalka masar ka socday in ay kawada hadleen sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii soo jireenka ee u dhaxeeyay dalka Masar iyo soomaliya gaar ahaan dhanka wasaarada Gaashaandhiga.

