Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan sheikh aadan oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegay in uu kala hadlay dhigiisa maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas in aan la dhibaateenin dadka kasoo jeeda koonfurta dalka soomaliya.
Mudane Shariif Xasan sheikh aadan ayaa tilmaamay in uu ka warqabo in dhibaatooyin badan loo geysto dadka kasoo jeeda koonfurta dalka soomaliya ee ku nool deeganada Maamulka Puntland marka ay deeganada Puntland ka dhacaan qaraxyada iyo dilalka.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan shiikh aadan ayaa kusoo beegamaya xili Maamulka Puntland uu shaaciyay in muddo 24-saac loo qabtay dadka kasoo jeeda koonfurta dalka soomaliya ee ku nool deegaanada Maamulka Puntland,

