Daafaca kooxda Atletico Madrid Diego Godin ayaa la cadeeyay in uu ciyaari doono kulanka Champions League ee dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid.
Xidigaan ka ciyaara daafaca dhexe ayaa kooxdiisa ka maqnaa kulamadii ugu dambeeyay kadib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii ay ka guuleysteen kooxda dalka Holland PSV March 15-keeda.
Macalinka kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa warbaahinta u sheegay ka hor kulanka Barcelona In laacibkaan uu diyaar u yahay safashada kulanka Barcelona ee ka dhici doona Garoonka Camp Nou.

