Weeraryahanka kooxda Ac Milan iyo xulka dalka Colombia Carlos Bacca ayaa ka hadlay dhibaatada haysata xidiga kooxda Real Madrid James Rodriguez.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Colombia ayaa xili ciyaareedkaan waayay booskiisa joogtada ah ee kooxda kadib markii ay kooxda Real Madrid dib u heshay xidigaha BBC-da.
Xili ciyaareedkiisa ugu horeeyay ee kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa dhaliyay 17-goal kadib markii uu kaga yimid kooxda Monoco ee dalka France. Laakin xili ciyaareedkan waxa uu ku guuldareystay helida booska joogtada.

