Dhageyso:- Gaari Waxyaabaha Qarxa Lagu Soo Xiray oo Lagu Qabtay Degmada Boondheere

0

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax cumar Xalane oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in ciidamada amniga dowlada soomaliya ay maanta gacanta ku dhigeen gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.

C/fitaax cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in gaariga la dhigay maqaaxi ku taala degmada Boondheere oo lagu magacaabo Blue Sky isla markaana ay kusoo wargaliyeen shacabka Degmada Boondheere laamaha amniga dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax cumar Xalane  in hada laga furey qaraxa gaariga ayna ku guuleysteen ciidamada amniga kuwooda loogu talagalay ka hortagida waxyaabaha qarxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here