Madaxweynaha qaranka Kenya uhuru Kenyatta oo ku sugan magaalada paris ayaa maanta oo isniinaa la kulmay dhigiisa faransiiska ee Francois Hollande.
Uhuru ayaa faransiiska ka dalbaday taageero dheeri ah oo laga siiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab xili uu qudbad ka jeediyey kulan ka dhacay Magaalada Paris.
Uhuru ayaa sheegay in argagaxisada aysan ku ekeen gobol oo kaliyah hasa ahaatee ay dhamaan dhibaato ku yihiin caalamka.
Booqashada mdaxweyne Kenyatta uu ku tagay faransiiska ayaa waxaa uu kaloo kaga faa,iideysanayaa kala saxiixitaanka Kenya iyo faransiiska dhinacyada amaanka, dalxiiska iyo maalgalin uu faransiiska ku sameysto dalka Kenya.
Booqashada madaxweynaha Kenya uu ku tagay faransiiska ayaa imaanaysa iyadoo maalin ka hor uu madaxweynaha Kenya ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 1aad ee kasoo wareegatay markii Al-shabaab ay jaamacada Garissa ku dileen 147 arday.

