Ciidamada Dowlada Soomaliya oo La Wareegay Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa maanta la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo mudooyinkii dambe ay ka talinayeen Ciidamada al-shabaab.

Barqanimadii maanta ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ayaa la sheegay In ay gaareen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose  waxaana deegaankaas isaga baxay ciidamada al-shabaab oo mudooyinkii  dambe ku sugnaa.

Dhanka kale Deegaanka ayaa la sheegay in aysan ka dhicin wax dagaal ah oo dhaxmaray ciidamada ka tirsan kuwa dowlada soomaliya, amisom iyo al-shabaab oo dhawaan la wareegay deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here