Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo maanta shir jaaraid ku qabtay Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa shaagay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha soomaliya.
C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa shirkiisa Jaraaid ugu horeyn kaga hadlay in uu aad kaga xun yahay qaabkii madaxda maamulka Puntland u aqbaleen qaadashada nidaamka 4.5 in lagu saleeyo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan.
“Mar hadii ay madaxda maamulka Puntland aqbaleen nidaamka 4.5. aniga waxba kama qaban karo kaliyaha waxaan muujinaya in aan aad kaga xumahay ayuu sheegay C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole).
Dhanka kale Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka hadlay waxa uu qaban doono haduu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaliya kadib doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
“Umadda Somaliyeed waxaan u sheegayaa inaan si daacad ah ugu shaqayn doono nidaamka Federalka hirgalin doono hadii ILAAHAY ila garab galo dadkeedana aan u xulan karo nabadda Somaliyeed sidii loo soo dabaali lahaana ka shaqayn doono sidaan Puntland uga shaqeeyay markaan joogay, hadii ILAAHAY igu simana oo aan ku soo baxo doorasho xaq ah oo lagu kalsoonaan karo oo umadda Somaliyeed iska arki karaan, sidii aan sameeyay 2014 doorashadii ka dhacday Puntland gaarsiin doono dalka Somaliya.” Ayuu yiri Faroole.

