Mareykanka oo Duqeyn  Syria uu Ka Fuliyey ku Dilay Afhayeenkii kooxda Al-nusra ee Al-qaacida ku Xiran.

0

Diyaaradaha aan cidi duulin ee droneska loo yaqaan ayaa duqeyn waxaa ay ku dileen afhayeenkii kooxda Al-nura ee dalka Syria oo sidoo kale ku xiran urur weynaha Al-qaacida.

Abu Firas al-Sur ayaa ahaa afhayeenkii guud ee kooxdaasi waxaana ay dowlada mareykanka muda dheer ay ku raad joogtay hogaamiyah iyadoo dul dhigtay madaxiisa lacag dhan 5 million oo dollar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  in Abu Firas al-Sur lala dilay 20 kale oo uu ku jiro wiilkiisa.

Xukuumada Washington ayaa duqeenta ka fulisay dhanka waqooyi  ee  dalka Syria halkaasi  oo uu afhayeenka xiligii la dilayey uu ku sugnaa.

Mareykanka ayaa waxaa uu beegsadaa kooxaha daacish iyo Al-nusra oo ah islaamiyiin ka dagaalama dalka Syria.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here