Kooxda Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhigan doonta xidiga qadka dhexe ee kooxda Everton Ross Barkley, sida maanta lagu daabacay majalada Star Sunday.
Kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xidiga qadka dhexe ee kooxda Everton Ross Barkley kadib markii uu xidigaan noqday mid kamid ah xidigaha ugu saameynta badan xili ciyaareedkaan kooxda Magaalada Liverpool ka dhisan.
Mancheter United ayaa sidoo kale bartilmaameed ka dhigatay xidigaan intuu furnaa suuqa kala iibsiga bishii Junuary balse Evertoon ayaa ka hor istaagtay arintaas.
Manchester United ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Evertoon kulan ka tirsan Horyaalka dalka Ingiriiska.

