Gabar iyo hooyadeed Ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen hoobiye ku dhacay Xaafada Buur hindi Ee dagmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.
Qof ku sugan degmada warta-nabada oo la hadlay idaacada simba ayaa xaqiijiyay in tiro hoobiyaal ah oo kusoo dhacay degmada in mid kamid ah uu ka dhacay xaafada Buur-hindi isla markaana ay waxyeelo kasoo gaartay gabar iyo hooyadeed. haatana loola cararay mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay 7 madfac la heleen gudaha madaxtooyada sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.
Laamaha amniga Dowlada soomaliya wali kama aysan hadlin hoobiyaasha maanta lagu garaacay Madaxtooyada soomaliya

