Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Soomaliya C/qaadir sheikh Cali Diini oo dalka Dib ugu Soo Laabtay

0

Wasiirka Gaashandhiga dowlada soomaliya Jeneraal C/qaadir sheikh Cali   Diini ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir kaga soo qeyb Galay wadanka Jabuuti

Wafdi uu Hogaaminaayo wasiirka gaashaandhiga dowlada soomaliya C/qaadir sheikh Cali Diini ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaan soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay xubno ka Tirsan wasaarada gaashaandhiga dowlada soomaliya

wasiirka Gaashandhiga C/qaadir sheikh Cali Diini ayaa dalka Jabuuti kaga qeyb Galay shir loogu Hadlaayay sidii wadamada afrika ay ciidamo gaar ah u samaysan lahayeen

Wasiirka uu saxaafada kula Hadlay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkii uu kaga  soo qeyb Galay wadanka Jabuuti uu muhiimad Gaar ah u lahaa wadamada Africa ujeedkiisana ahaa sidii wadamada Africa ay u sameysan lahaayeen ciidamo Gaar ah

Dhanka kale Ciidamada Gaar ah  ay sameyn doonaan wadamada Africa ayaa la sheegay in ay ka hortagi doonaan xiliyada ay Rabashada dhacayaan iyo meelaha ay ka dhacayaan qaarada africa

Xilliga la doonayo inay ciidamadaan si toos ah ay shaqadooda u billaabato ayaa ah dhammaadka bisha December ee sannadkaan sida qorshuhu yahay, iyagoo ka koobnaan doona 25 kun oo Askari, ciidankaas oo Astan u ahaan doona amniga Qaradda iyo Nabadda

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidanka loo qaybin doono shan guuto oo mid kasta uu ka imaandoono Shanta qayb ee qaaradda Afrika sida Galbeedka, Waqooyiga, Bartamaha, bariga iyo waqooyiga fog ee Afrika.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here