Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Magaalada Baydhabo oo Xukun Xabsi ah Ridday

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qaybteeda 6o-naad ee magaalada baydhabo ay xukun shan-sano (5-sano) oo xabsi  ah ku ridday ruux lagu soo eedeeyay in uu ka Tirsanaa xarakada al-shabaab

Maxkamada  ayaa xukunkaan ku Ridday Xuseen Weerow Isaaq Jilibay oo ay ku sheegtay in uu bishii 7-aad uu weerar ku qaaday guri ay daganaayeen guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Aflow iyo Wasiirku-xigeenka Xananada xoolaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir koofi.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolka Baay Gaashaanlle Aadan Abuukar Axmed oo Goobta ka Hadlay ayaa sheegay in cadeemo kadib ay maxkamada ay xukun 5-sano ah ku Ridday Xuseen Weerow Isaaq Jilibay oo lagu eedeeyay in uu weerar ku qaaday Xubno dowlada soomaliya ka Tirsan iyo Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo ku sugnaa Magaalada Baydhabo

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here