Waxaa manta markii ugu horeysay dib loo furay garoonka diyaaradaha ee magaalda Brussels halkaasi oo ay ka dhaceen isbuucii hore weeraro qasaaro badan geestay.
Qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha ayaa dib loo furay kadib 12 maalin oo uu hakad ku jiray garoonka diyaaradaha ee Brussels
Daacish ayaa sheegatay weerar qasaaro geestay oo ka dhacay garoonkaasi kaasi oo ahaa isqarxin garoonka ka dhex dhacday.
Ugu yaraan 34 ruux ayaa weerarkaasi iyo mid kale oo isla maalinkaasi ka dhacay xarun tareenada laga raaco oo magaalada barasalis ku dhintay.
Waxaa kaloo weerarkaasi uu dhaawac ka soo garay 300 oo kale.
Saddex ruux oo laba ka mida aH ay yihiin walaalo ayaa qarxayadaasi ka dambeeyey.

