Dowlada liibiya oo Sheegtay in Dagaalyahano Soomaali ah Lagu Arkay Magaalada Sirti iyagoo Daacish ka Tirsan.

0

Gudoomiyaha Magaala xeebeedka sirte ee dalka liibiya oo wareysi siiyey wargeyska Al-Wasat  ayaa sheegay in ay arkeen dagaalyahano ka badan 20 oo soomaali ah kuwaasi oo wata gawaarida dagaalka.

Waxaa gudoomiyaha uu sheegay in ay dhalinyaradaan yihiin soomaali ku biirtay daacish kana timid dalka soomaaliya sanadihii dambe.

Waxaa kaloo deegaanka sirte oo ay maamulaan daacishka libiya lagu arkay dagaalyahano ka yimid dalalka tunusiya iyo Algeria. Kuwaasi oo kamid noqday kooxda Daacish.

Dagaalyahanada soomaalida ah ee lagu arkay magaalada sirte ayaa ka yimid deegaanka Sabratha waxaana ay u socdeen dhanka maagaalada Najaim ee isla dalka Libiya. sida uu mar kale xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalda Sirta.

Dhalinyaro badan oo soomaali ah ayaa daacishka libiya ka mid noqday sanadihii dambe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here