Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) iyo wasiirka arrimaha Dibada dalka Ethopia Dr.Tedros Adhanom ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Juba-land Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha Dibada dalka Ethopia Dr.Tedros Adhanom ayaa si weyn loogu dareemayaa Magaalada Garoowe.
Labada Mas’uul ayaa kamid noqon doona Mas’uuliyiin maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Garoowe oo maamulka Puntland ku qancinaayay qaadashada nidaamka 4.5 oo la shaaciyay in lagu saleyn doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed (axmed Madoobe) ayaa la sheegayaa in uu yahay mid ku dhow Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iskastoo Madaxweynaha Juba-land uu dhawaan aqbalay in doorashada soomaliya ka dhacaysa lagu saleeyo nidaamka 4.5.

