Dowlada japan oo Lacago Ugu Deeqday Abaaraha ka jira Soomaaliya.

0

Dowlada japan ayaa sheegtay in lacago maaliyiin doolar ah ay ugu deeqday abaaraha ka jira qeybo Badan ee Gobolada dalka soomaliya ku yaala.

Wasaaradda arrimaha dibada ee dowlada japan ayaa sheegtay in lacago dhan 21.7 million oo dollar ay ugu deeqday soomaaliya.

Dowlada japan waxaa kaloo ay sheegtay in lacagahaasi ay wax badani ka qaban doonto xaalada abaaraha ee dalka haatan ka jirto.

Qeybo badan oo dalka soomaaliya ah sida, koonfurta, bartamaha iyo gobolada waqooyi ayaa waxaa ka jira abaaro xoog leh oo heesta dadka iyo duunyadaba.

Deeqdaan lacageed ee japan ay ugu deeqday soomaaliya ayaa ku soo aadeeysa iyadoo Maalinkii khamiista aheyd ay qaramada midoobe dalbatay lacago gaaraya 105 million oo dollar kuwaasi oo wax looga qabaanaayo abaaraha ka jira guud ahaan soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here